Qaban qaabada Soo dhaweeynta Musharrax Madaxweyne Dr. CabdiNuur Sheekh Maxamed oo ka socota magaalada Muqdisho

Doorashada sanadkaan ee madaxweynaha soomaaliya ayaa waxa tartamaya murashaxiin badan kuwaas oo mid walbo uu raadinayo inuu guuleysto.

Baratanka waxaa qeyb ka ah Aqoonyahan,siyaasi aragti fog mudana siyaasada kusoo jiray Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamed.

Dr C/nuur oo heerka aqoonta ka gaaray darajada digtoor islamarkaana heysta shahaadada Ph.D kana qaatay  maamulka waxbarashada ee Jaamacadda Gobolka Ohio dalka Mareykanka.

Murashax Madaxweynaha Soomaaliya Dr C/nuur Sheekh Maxamed waxa uu dhowr sano la soo shaqeeyay Waaxda Waxbarashada ee Gobolka Ohio waddanka mareykanka.

Sanadihii 2010 ilaa 2011 waxa uu soo noqday Wasiirka Waxbarashada, Tacliinta Sare iyo Hiddaha ee Dalka Soomaaliya xilligaas uu Ra’iisul Wasaare waddanka ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Dr C/nuur Sheekh Maxamed waxa uu soo noqday la-taliye sare oo dhinaca waxbarashada iyo isku-duwaha gobolka Ohio.

Murashax Dr C/nuur ayaa kusoo wajahan Dalka berri oo jimco ah isagoo ololihiisa doorashada xilka madaxweynaha guda geli doona,islamarkaana uu rajo ka qabo in natiijo lagu farxo ka helo doorashada hoolka lagu qaban doono.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com