Qaban qaabada banaan bax lagu taageerayo Madaxweyne Farmaajo oo ka socota gobolka Gedo

Wararka ka Imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Magaalada Garbo haareey ee degmooyinka kale ee gobolka Gedo uu ka socdo dibad bax ay soo qaban qaabiyeen mamulka gobolka Gedo laguna taageerayo go,aanka Madaxweyne  Farmaajo uu ka qaatay  Arinta gobolka Gedo ee Shirkii Dhuusamareeb.

Wararka ayaa sheegaya Abaabulka dibad baxa oo ka socda inta badan degmooyinka gobolka Gedo ayaa sidoo kale lagu Taagaareeyaa in gobolka Gedo aan la hoos geyn maamulka Jubland .

Mas,uuliyiinta qaban qaabineysa dibad baxa la qorsheynayo in uu gobolka Gedo ka dhaco ayaa warbaahinta aragticusub u xaqiijiyay Ujeedk dibad baxooda uu yahay in gobolka Gedo uu ka madax banaanaado degaanada Maamulka Jubland uu ka Taliyo

Hase yeeshee shirkii lagu soo gaba gabeeyay Dhuusamareeb ee Natiijo la,aanta ku soo dhamaaday ayaa arinta xudunta murunka waxaa uu noqday gobolka Gedo iyo aad  ugu kala aragti duwanaadeen sida laga yeelayo Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Xafiiska Wararka Muqdisho

  Info@aragticusub.com