qaban qaabada Aaska Marxuum Xasan Abshir oo ka socota Magaalada Garoowe

Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya  Marxuum Xassan Abshir Faarax, ayaa Maanta ayaa Aas Qaran loogu samaynaya maanta Magaalada   Garoowe.

Maydka Marxuum  Xassan Abshir, waxaa Xalay si maamuus sare leh u soo saagootiday Dowladda turkiga , iyadoo Ciidamo gaar ah oo ka tirsan  Turkiga ay soo saareen Diyaaradda.

Aaska Qaran ee Garoowe loogu samaynayo, waxaa ka qayb-galaya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni , Guddoomiyaha Aqalka Saree e Soomaaliya Cabdi Xaashi cabdillaahi, Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka, xubno ka tirsan  Puntland iyo madax heer  Federaal, dhammaan Isimada  Puntland  iyo dad weyne kale

Maydka Marxuumka ayaa  laga soo dejiyay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, waxaa halkaas lagula tukaday  Salaadda Janaasada, ka hor inta aan loo soo qaadin magaalada  Garoowe oo Aaska Qaran loogu samaynayo

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com