Q.M oo dalkalka Afrika uga digtay in la dhibaateeyo dadka inta uu socdo ladagaalanka Covid 19

Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa uga digay waddamada Afrika  in ay adeegsadaan awood xad dhaaf ah inta lagu jiro aafada Covid-19.

Hay’addu waxay ku boorrisay dawladaha inay aqoonsadaan in halistu tahay fayrus, ee aysan ahayn dadka.

Koonfur Afrika, Kenya, Uganda iyo Rwanda ayaa ka mid ah waddamada ay ciidamada ammaanku u isticmaaleen tillaabooyin caburin ah, si ay u xoojiyaan xaddidaadda dhaq dhaqaaqa shacabka.

Wakiilka xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay Michelle Bachelet ayaa sheegtay in waddamadu aysan u isticmaalin quwadaha deg-degga ah sida hub, kaasi oo  dadka cabsi gelin kara.

Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa walaac gaar ah ka qaba xad gudubyada booliska iyo militeriga Dowladdaha qaar ay ka gaysanayaan magaalooyiinkooda waa wayn, si ay u hir geliyaan bandowga lagu soo rogay dalalkooda.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com