Puntland oo xukun ku riday Rag lagu Eedeeyay in Alshabaab ay ka Tirsan yihiin

Maxkamadda Darajada koowaad  Ciidamada Qalabka sida  ee Puntland ayaa xukun dil toogasho ah ku riday 10 nin oo ku eedeysnaa inay katirsan yihiin Alshabaab.

Dhalinyarada dilka lagu xukumay waxaa kamid ah, Cadde Cabdulahi Maxamed Cilmi iyo Cabdiqani Saleemaan Jaamac Sayloor, oo ahaa raggii Gaalkacyo ku dilay weriye Jamaal Faarax Aadan .

Raggaaan ayaa mar kale lagu riday xukun dil ah kadib markii ay racfaan ka qaateen xukun dilka ahaa ee horey loogu riday .

Dadka ay Puntland xukunka ku riday ayaa lagu helay inay ahaayeen Shabaabkii dilal ka geystay magaalada Gaalkacyo.

Magacyada Ragga la xukumay ayaa kala ah:

3 Xasan Jaamac Maxamed
4. Maxamed Cali Axmad Muuse
5. Farxaan Faysal Salaad Xirsi
6. Cabdulahi Faysal Xuseen
7. Barkhad Cawil Xirsi Nuur
8. Liibaan  Aaden Muuse
9. Cabdiqani Farxaan Abdulahi
10. Cabdiraxman Cawil Maxamed

Horraantii bishaan ayay ahayd markii Puntland ay xukun dil ah ku fulisay 19 nin oo katirsan Alshabaab, kuwaas oo dilal iyo qaraxyo ka geystay magaalooyinka Bosaso iyo Gaalkacyo.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com