Maxkamadda darajada kowaad ee magaalada Boosaaso, ayaa ku ridday doonyo kalluumeysi oo lagu helay, in ay si sharci-darro ah uga kalluumaysanayeen xeebaha Puntland.
Lix doon oo laga leeyahay Dalka Yeman, ayaa maxkamaddu ku ridday ganaax dhan min $ 7 kun oo Dollar, kadib markii lagu caddeeyay in ay si sharciga ka baxsan uga Kalluumeysanayeen xeebaha Bari iyo Sanaag.
Laba doon oo Soomaali leedahay ayaa sidoo kale lagu xukumay lacag dhan min $ 4 kun oo ganaax ah, maadaama ay sharci-darro uga kalluumeysanayeen xeebaha Puntland, balse ay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed.
Dhammaan kalluunka saaran doonyaha la xukumay, ayaa maxkamaddu go’aamisay in dowladdu la wareegto, sida waafaqsan sharciga iyo Dastuurka Puntland.
Sidoo kale, maxkamaddu waxay dib u dhigtay kiiska laba doonyood oo kale, kuwaas oo weli baaritaan ku socdo, sida laga soo xigtay garsooraha maxkamadda Abukar Cabdinuur Jaamac.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com