Puntland oo Xukun ku riday Doomo kalluumeysi oo laga lee yahay Dalka Yeman

Maxkamadda derejada kowaad Puntland  ee Gobolka Gardafuu, ayaa xukunn ku ridday doonyo kalluumeysi oo laga leeyahayDalka  Yemen, kuwaas oo laga soo qabtay xeebaha Puntland.

3 doon , ayaa2  ka mid ah lagu riday ganaax lacageed, kadib markii lagu helay kalluumaysi sharci-darro ah, halka tan saddexaadna wax danbi ah lagu waayay ,islamarkaana dib loo fasaxay.

Doomaha xukunka lagu riday ayaa kala ah Al-Dayaa iyo Al-Lascaa waxaana lagu riday ganaaxay  lacageed oo gaaraya $9 kun oo Dollar, halka tan labaad lagu ganaaxay $8 kun oo Dollar. Doonta saddexaad oo lagu magacaabo Al-Hilaal ayaa danbi lagu waayay.

Sidoo kale, kalluunkii saaran doonyaha Al-Dayaa iyo Al-Lascaa ayaa maxkamaddu xukuntay in dowladdu la wareegto maadaama si sharci-darro ah lagu soo jillaabtay .

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com