Puntland oo xabsi ugu hanjabtay shaqaalaha Qaramada Midoobay Haddii Canshuurta ay bixi waayaan

Xeer ilaalinta ee Maamulka Puntland ayaa soo bandhigay magacyada 14 qof oo ka tirsan Shaqaalaha hay’adaha Qaramada Midoobay, oo aanan bixin canshuurta ku waajibtay.

Ku xigeenka xeer Ilaaliyaha guud ee Maamulka Puntland Maxamed Xareed Faarax, , ayaa sheegay in xabsiga loo taxaabi doono shaqaalaha magacyadooda la shaaciyay, haddii aysan bixin Canshuurta ku waajibtay.

Xeer Ilaaliye ku xigeenka Puntland ayaa shaqaalahaas u qabtay mudda shan maalmood ah, in ay ku bixiyaan Canshuurta laga bilaabo Khamiista maanta ah, haddii kalena dhammaantood xabsiga loo dhaadhicin doono.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com