Puntland oo soo dhaweeysay Heshiiskii gaareen Dawlada Federaalka iyo Musharixiinta Mucaaradka ah

Maamulka Puntland ayaa soo dhaweysay heshiiskii ay gaareen Dowladda Federaalka iyo Midowga Musharaxiinta

Dawlad Goboleedka Puntland sheegtay in ay soo dhawaynayso in Dowladda Federaalka ay garawsatay mas’uuliyadda wixii ka dhacay Muqdisho, 19kii Febraayo, ayna ogolaatay in baaritaan madax banaan lagu sameeyo.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri “Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa heshiishka ay wada gareen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiinta xalay oo tariikhdu ahayd 25 Feb 2021, sidoo kalena waxay soo dhawaynaysaa in DFS ay garawsatay masuuliyadda wixii ka dhacay Mogadishu, 19kii Feb, ayna ogolaatay in baaritaan madax banaan lagu sameeyo” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee madaxtooyada Puntland ka soo baxay .

“Dowladda Puntland waxay ka rajaynaysaa Dowladda Federaalka ah dhameystirka wax ka qabashada caqabadaha kale ee ku xeeran qabashada shir wadatashi ah oo loo dhan yahay oo lagu dhameystirayo arrimaha muranku ka jiray, si ay u abuuranto jawi qabsoomidda doorasho ku dhacda si nabad ah, wadar ogol ah, waafaqsanna heshiiskii 17 September, habraacyadii lagu heshiiyey iyo Dastuurka ku meel gaar ka ah” ayaa la raaciyay qoraalka Puntland ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka .

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com