Puntland oo si jees jees ah uga jawaabtay hadalka ka soo yeeray dawlada Soomaaliya

Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Puntland ee HADMA ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay war ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan duufaan ku soo wajahan degaanada Puntland.
Guddoomiyaha hay’adda Musiibooyinka Puntland Cabdullaahi Cabdiraxmaan Axmed (Ceerow) ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin warkaas.
“ Annagu ma hayno duufaantaas mana garanayno meesha ay ka keeneen dadku. Waxaan idiin xaqiijinaya in aysan waxba ka jirin wararkaas islamarkaana aan hadda cabsi laga qabin duufaano” ayuu yiri Guddoomiye Ceerow.
Arintaan ayaa ku soo aadeysa kadib markii dowladda Soomaaliya ay ka digtay duufaan ay sheegtay in ay ku soo wajahantahay degaanno ka tirsan Puntland.
Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com