Puntland oo sheegtay in ay Soomaaliya ka go’i doonto Haddii laysku Fahmi waayo Nidaamka Federaalka

Wasiirka Maaliyadda Maamulka Puntland Xasan Shire Abgaal, ayaa sheegay in uu jiro qodob Dastuuriya uu Puntland xaq u siinayo in ay ka go’do Soomaaliya inteeda kale , haddii la waayo dowlad Soomaaliyeed oo ku dhisan nidaam Federaal ah.

Wasiirka maliyada Puntland oo hadal ka jeediay kulan ka dhacay  duleedka Magaalada Garoowe, ayaa sheegay in Puntland aysan marnaba aqbali doonin wax ka hooseeya dowlad Soomaaliyeed oo  Nidaamka Federaal ku dhisan ,islamarkaana ilaalisa wixii lagu heshiiyay.

Wasiir Abgaal, ayaa sidoo kale Tilmaamay in Puntland ay ka go’i doonto Soomaaliya, haddii la waayo nidaam dowladeed oo ku salaysan Federaal, kaas oo waxna la wadaago waxna la kala leeyahay

Warkaan ka soo yeeray Wasiirka Maaliyada Puntland Xasan shire Abgaal ayaa ku soo Aadaya Xilii Maamulka Madaxweynaha waqtigiisa sharciyed uu dhammaaday ee  Farmaajo iyo madaxda maamulada Puntland iyo Jubland ay isku Fahmi la’ yihiin qabsoomida doorashooyinka Dalka .

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com