Puntland oo shaacisay Xilliga la bilaabayo Jadwalka Diiwaan gelinta Codbixiyaasha

Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, ayaa maanta shaaciyay Xilliga la bilaabayo  diiwaan-gelinta codbixiyaasha saddex degmo, oo laga qaban doono Doorashooyinka Golayaasha Degaanka oo hordhac ah.

War-saxaafadeed ka soo baxay Guddiga ayaa lagu go’aamiyay in diiwaan-gelinta Codbixiyaasha degmooyinkaa la bilaabo 16-ka bisha May ee sannadkan 2021, islamarkaana ay socoto ilaa 29-ka bishaas Mayee sanadkaan 2021.

Degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufayn oo ka kala tirsan Karkaar, Nugaal iyo Bari ayaa la doonayaa in laga qabto Doorashooyinka Golayaasha Degaanka Puntland oo tijaabo ah, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Guddiga.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com