Puntland oo shaacisay Natiijada Imtixaanka Dugsiyada Sare ee Degaanada ay ka taliso

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dawladda Puntland ayaa shaacisay Natiijada 10ka kaalin ee ugu sareya Imtixaanka Fasalka 12aad ee Dugsiyada sare ee Puntland 2021-22.

Imtixaanka oo ay u fariisteen 5949 Arday, ayaa waxaa kaalinta koowaad ka galay Cabdullaahi Siciid Salaad, oo ka socday iskuulka Salaaxu-diin ee magaalada Boosaaso.

Sidoo kale, Cabdullaahi Axmed Maxamuud oo socday iskuulka Sheekh Cusmaan ee magaalada Qardho ayaa galay kaalintii labaad, halka kaalinta saddexaad ay wada galeen Cabdirisaaq Yuusuf Cabdi oo ka socday iskuulka Bandar-qaasim iyo Isra Abshir Cali oo ka socotay Iskuulka Nugaal Secondary.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com