Puntland oo shaacisay in ay soo bandhigi doonto Caddeymo la xiriira Ciddii ka Dambeeysay Qaraxii lagu dilay Gudoomiyihii Gobolka Nugaal

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland G/sare Maxamuud Cabdi Maxamed, , ayaa sheegay in uu geba-gabo marayo baaritaanka dilkii marxuum Gu’jir, islamarkaana ay dhowaan si rasmiya u shaacin doonaan Natiijadiisa.

Sidoo kale, waxa uu  sheegay in sharciga la marin doono dad ku eedaysan in ay ka dambeeyeen dilkii Marxuumka, kuwaas oo haatan ku jira gacanta Laamaha baarista u qaabilsan Dowladda, kadibna loo gudbin doono hay’adaha Garsoorka.

Marxuum Cabdisalaan Gu’jir, wuxu ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo 29-kii Maarso ee sannadkan 2020 ka dhacay afaafka hore ee saldhiga bartamaha Caasimadda Garoowe, kaas oo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com