Puntland oo Maxkamad soo taagtay Wariye Kilwe Aadan oo muddo ku Xiran Xabsiga Garowe

Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida ee Puntland ayaa maanta  billowday dhageysiga dacwada loo haysto Wariye Kilwe Aadan Faarax oo muddo ka badan laba bilood ku xiran Xabsi ku yaala magaalada Garowe.

Maxkamadda Ciidamada ee Maamulka  Puntland ayaa wariye Kilwe ku eedeysay qodobka 321 horkicid sharci sida  qodobka 328 (daabicidda ama faafin warar been ah oo Khalkhal galinaaya deganaanshaha dadweynaha); qodobka 271 (denbi lidi ku ah maamulka iyadoo la isticmaalayo qoraallo wax dhaawacaya); iyo qodobka 219 (yasitaan la yasay qaranka ama maamulka dowladda).

Dhammaan qodobada lagu eedeeyay wariyaha ayaa ku saleysan Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed ee (1964) kaasoo hadda loo adeegsado in lagu ciqaabo, laguna maxkamadeeyo suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Qareenka u doodayay Wariye Kilwe Aadan ayaa ka dalbaday Maxkamada in ay keento Caddeymo muujinaaya dambiga uu galay Wariye Kilwe Aadan oo muddo ka badan 60 maalmood ku xiran xabsiga Garowe

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com