Puntland oo markale diiday Muddo kordhinta Hay’addaha Dawlada Federaalka loo sameeyay

Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in aysan aqoonsanayn go’aankii  Baarlamaanka Soomaaliya muddada ugu kordhiyay hay’adaha Federaalka  ee waqtigooda uu dhammaaday.

Maamulka Puntland ayaa  sheegay in heshiiskii 17 September 2020 uu yahay hannaanka kaliya ee heshiis lagu yahay si loo qabto doorashada federaalka.

Maamulka Puntland ayaa  ugu baaqay saxiixayaashii heshiiskii 17 September, saamileyda siyaasadda iyo wakiilada Beesha Caalamka in miiska wada hadalka lagu soo noqdo si loo soo afjaro xiisada ka taagan muddo kororsiga .

Sidoo kale maamulka Puntland  sheegay in haddii dib loogu soo noqon waayo miiska wada hadalka ay ka ka tashan doonto xaalada iyo mustaqbalka Soomaaliya , iyadoo ka duuleysa shirweynihii Puntland ee 17 March 2020.

Sodoo kale maamulka Puntland ayaa  tilmaamay  in ay soo dhaweyn doonto cid walba oo ka qeybqaadanaysa xaaladda cakiran ee Soomaaliya.

Maamulka Puntland ayaa shaaciyay  in ay tallaabo sharci ah ka qaadi doono cid walba oo isku dayda in ay xasilooni darro ka abuurto Puntland.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com