Maamulka gobolka Nugaal ayaa awaamiir culus duldhigay dhalinyarada ka dhoofaysa garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir, kadib markii ay sii kordhiyeen tirada tahriibayaasha loo kaxaynayo Galbeedka Qaaradda Africa.
Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir oo maanta warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Garoowe, ayaa sheegay in muddooyinkii dambe ay korortay tirada dhalinyarada naftooda ku halliga mashruuca tahriibka ayna jiraan dad ka qaada dalka si ay dhaqaale uga sameeyaan.
Guddoomiyaha oo ay garab joogeen maareeyaha garoonka, saraakiil katirsan CID-da gobolka Nugaal iyo gabar dhalinyaro ah oo la qabtay xilli loo wadey Itoobiya ayaa amray inaysan garoonka ka dhoofi karin dhalinyaro aan dammaanad haysan ama ogolaansho laga hayn waalidkooda.
“Dhalinyaradii gobolada Puntland dad ayaa u samaynaya sharciyo iyo aaladihii dhoofka oo been abuur ah kadibna geynaya galbeedka Africa si ay dhaqaale uga qaadaan, waxaan ku amarnay maamulka garoonka in arrintaasi ay ka hawlgalaan dhammaan gobolada Puntland waa la gaarsiin doonaa, Qofkii maskaxdiisa la qaldo oo tahriib lagu qalqaaliyo tallaabo adag ayaa laga qaadayaa”, Ayuu yiri guddoomiye Cabdiraxmaan Xaaji Abshir.
Go’aankan Puntland kasoo baxay, ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee qaabka tahriibka ah uga baxaya dalka, kuwaa oo la geeyo dalal kale oo Afrika kuyaalla oo la sheegay in ay Yurub uga sii gudbayaan.