Puntland oo magacaabeysa Xubnaha ku Matalaya Gudiga doorashooyinka

Madaxweynaha Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu magacaabo xubnaha Puntland uga mid noqonaya Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka.

Madaxweyne Deni, ayaa sidoo kale magacaabaya Guddi-hoosaadka heer Puntland oo Arrimaha Doorashada kala shaqayn doona Guddiga Doorashooyinka heer Federaal, sida ay xaqiijiyeen Ilo xog-ogaal ah oo u waramay warbaahinta Aragti Cusub.

Sidoo kale Wararka sheegaya in ay diyaar yihiin dhammaan xubnaha magacacaabayo , iyadoona xal laga gaaray khilaaf ka Taagnaa Arintaasi

Maamulada  kale ayaa lagu waddaa in ay soo magacabaanGudiga doorashooyinka ku Matalaya.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com