Puntland oo lagu Cadaadinayo ka qayb galka shirarka Golaha Watashiga Qaranka

Xubno ka Tirsan Wakiilada Caalmka ee Soomaaliya ayaa la kulmay madaxweynaha Puntland Saciid Deni.

Labada dhinac ayaa kawada hadlay muhiimadda ay leedahay in Puntland ay si ay ka qayb-qaadato horumarka dowlad-dhisidda Soomaaliya, islamarkaana ay Puntland ka-qayb gasho shirarka Golaha Wadatashiga Qaran.

Sidoo kale ‘ War ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in kulankaan looga wada hadlay horumarinta Puntland, gaar ahaan amniga, horumarinta dhaqaalaha, doorashada iyo xaaladda colaadda gobolka Sool.

Puntland waxay kaloo sheegtay in ay beesha caalamka kala hadashay arrimaha dowlad dhiska Soomaaliya ee ku saleysan federaalaynta dalka, gaar ahaan qaybsiga deeqaha horumarinta.

Puntland waxay sidoo kale u sheegtay beesha caalamka go’aankeeda ka maqnaanshaha shirarka golaha wadatashiga qaranka. Iyadoo bannaanka ka joogtay shirkii ugu dambeeyay ee lagusoo gabagabeeyay magaalada Baydhabo.

Dhinaca kale warar ayaa sheegaya beesha caalamka ay Puntland ku qasabeyso in ay ka qeyb ka noqoto shirka golaha wadatashiga.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com