puntland oo ku guuleysatay dib u habeynta Diiwaan gelinta ciidanka Gaalkacyo

Guddiga Dib u-habaynta Ciidamada Puntland ,ee uu madax ka yahay  Wasiirka Maaliyadda maamulkaasi puntland Xassan Shire Abgaal, ayaa sida la sheegay  ku guulaystay Xallinta muran ka taagnaa Diiwaan-gelinta Ciidamo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Guddiga oo muddooyinkii u dambeeyay kulamo kala duwan la qaadanayay Saraakiisha Ciidamada iyo Odayaasha Dhaqanka Gaalkacyo, ayaa ugu dambayntii ku guulaystay in la qanciyo Saraakiisha qaar oo diiddanaa Diiwaan-gelinta Ciidamada.

Labada dhinac, ayaa isku raacay in dhammaan Ciidamada ku sugan Gobolka Mudug, gaar ahaanna Magaalada Gaalkacyo, ay maraan Hannaanka Diiwaan-gelinta iyo Tirakoobka Ciidamada, waxaana Wasiirka Maaliyaddu ballan-qaaday in ay Mushaharka iyo Xuquuqdooda si joogto ah u heli doonaan.

Habka a Diiwaan-gelinta iyo Tirakoobka Casriga ah ee Ciidamada Puntland, oo soo bilowday horraantii sannadkii tegay ee 2019, ayaa la mariyay Ciidamada Puntland ee ku sugan  Gobollada kala duwan, waxaana uu haatan ka socdaa Gobolka Mudug.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com