Puntland oo ku baaqday in la hakiyo Hanaanka Deyn Cafinta Soomaaliya

Maamulka Puntland ayaa ku baaqay in gebi ahaanba la hakiyo hannaanka deyn cafinta Soomaaliya, inta laga heshiinayo khilaafaadka taagan.

Xukuumadda Puntland ayaa sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaantay war ka soo yeeray wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, kaas oo sheegay in aysan wax khilaaf ah ka jirin hannaanka deyn cafinta dalka.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo wareysi siiyay ayaa beeniyay hadalkii wasiirka Maaliyadda heer Federaal, kaas oo ahaa in aysan deyn cafintu ku jirin arrimaha ay isku khilaafsan yihiin dowladda Federaalka iyo Puntland.

Wasiir Dhabancad ayaa sidoo kale iftiimiyay in hannaanka deyn Cafinta Soomaaliya aanu socon karin, haddii aan laga heshiin khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka jira.

Hadalka kaa soo baxay Wasiirka Maaliyada Puntland Dhaban Cad ayaa ku soo aadaya Xili Dawlada Federaalka Soomaaliya ay dooneyso in Dalalka Caalamka ay cafiyaan lacaga Deynta ah ee ay ku nool yihiin Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com