Puntland oo ka Jawaabtay Eedeeyn uga Timid Dawlada Madaxweyne Farmaajo

Maamulka Puntland ayaa ka hadlay Eedeeyn uga timid dowladda Federaalka Soomaaliya ee waqtigeeda uu dhammaaday , taas la xiriirta in ciidamada Puntland ay xabbad u adeegsadeen shacab bannaanbax nabadeed ka dhigayay magaalada Dhahar.

Af-hayeenka Maamulka Puntland, Jaamac Dabaraani, ayaa sheegay in bannaanbaxa ka dhacay magaalada Dhahar ay abaabulkiisa lahaayeen madaxweyne Farmaajo iyo wasiir Jamaal Maxamed Xasan oo ka tirsan dowladda Federaalka.

Jaamac Dabaraani, wuxu tilmaamay in madaxweyne Farmaajo iyo wasiir Jamaal ay doonayeen, in ay fowda ka sameeyaan degmada Dhahar, balse aysan ku guulaysan tallaabadaas, islamarkaana bannaanbaxii Dhahar aysan cidna khasaare ka soo gaarin.

Jaamac Dabaraani ayaa beeniyay in ciidamada Puntland ay Awood iyo xabbad u adeegsadeen joojinta bannaanbaxa, isagoo Xusay  in Ciidanku ay sugayeen Amniga shacabka ku bannaanbaxay magaalada Dhahar.

 Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com