Afhayeenka Madaxtooyada maamulka Puntland, Jaamac Dabaraani ayaa sheegay inuusan Shirkaasi waxba kama jiraan noqonayo, haddii aysan Puntland ka qeyb gelin Wada-hadalladda Somalia iyo Somaliland.
Qoraal uu Afhayeenka Madaxtooyada maamulka Puntland soo dhigay Bartiisa Facebook waxa kale oo uu tilmaamay inaysan garanaynin ujeedka laga leeyahay Shirka Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi uga furmayo Jabuuti, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Puntland tahay cidda uu Xuduudku kala dhexeeyo Somaliland.
Marka hadii la rabo inay wax hagaagaan oo midnimo dhab ah laga shaqeynayo waa in Masuuliyiinta Puntland, oo ay ku jiraan siyaasiyiinta Puntland ku metela Sanaag, Sool iyo Ceyn ay ka qeyb galaan wada-hadalka” ayuu yiri Jaamac Dabaraani oo intaasi ku daray inuu wadahadalku noqon kara Shir ku sifoobaya mid aan masiiri aheyn oo dano siyaasadeed uun laga leeyahay.
Hadalka Afhayeen Jamaac Dabaraani ayaa loo qaadan karaa inuu yahay Go’aan ka soo baxay Madaxweyne Saciid C/llaahi Deni oo ah Hoggaamiye ka mid ah kuwa ugu halka adag (Mucaaradsan) ee Madaxda Dowlad-gobaleedyadda ka soo horjeeda Dowladda Federalka Somaaliya