Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali oo ku hadlaya Magaciisa iyo kan shacabka Gobolka Mudug waxa uu si adag uga tacsiyadeeyay Geerida Allaha Unaxaristee Gudoomiyihii hore ee Degmada Bursaalax C/raxmaan Sheekh C/llaahi iyo Ganacsade Mukhtaar Maxamed Aw Khalaf oo habeenimadii xalay lagu dilay Magaalada Bursaalax.
Gudoomiyaha ayaa yiri “ waxaan si adag uga tacsiyeynayaa Geerida Allaha Unaxaristee Gudoomiyihii hore ee Degmada Bursaalax C/rixmaan Shiikh C/laahi iyo Ganacsade Mukhtaar Maxamed Aw Khalaf oo habeenimadii xalay lagu dilay Magaalada Bursaalax, waxaan tiiraanyada tacsida la wadaagayaa Dhamaan Bulshada Puntland gaar ahaan Shacabka Gobolka Mudug, qaraabadii iyo eheladii ay ka baxeen samir iyo imaan allaha ka siiyo.
Waxaan mar labaad faraynaa laamaha Amniga Gobolka Mudug in si Deg-Dega gacan loogu soo dhigo gacan ku dhiiglayaasha falkaa ka danbeeyey, insha allaah waana ku soodhigaynaa, waxayna maridoonaan Hay’adaha Cadaalada.
Waxaan alle uga baryeynaa Marxuumiinta janatul fardowsa, Qabriga allaha uwaasiciyo, Dambigooda allaha dhaafo, Aamiin Aamiin “ .