Ciidamada Badda Puntland ee Gobolka Gardafuu, ayaa gacanta ku dhigay saddex doony oo laga leeyahay Dalka , Yeman kuwaas oo kallluumeysi sharci-darro ah waday xeebaha Gobolkaas.
Saraakiisha Ciidanka Bada Puntland ee gobolka Gardafuu, ayaa laga soo xigtay in saddexda doonyood aysan Maamulka Puntland ka haysan rukhsad kalluumeysi, sidaas darteedna ay sharci-darro ku jillaabanayeen.
Doonyahan Kalluumeysi ayaa waxa saaranaa 45 shaqaale ah, kuwaas oo dhammaantood gacanta lagu dhigay, sida ay sheegeen saraakiisha Ciidamada Badda ee Puntland
Maamulka Gobolka GGardafuu ee Puntland sheegay in doonyaha iyo shaqaaalaha saaran loo gudbin doono magaalada Boosaaso, kadibna Halkaas lagu maxkamadeyn doono.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
info@aragticusub.com