Puntland oo Faah Faahin ka bixisay Askari Dad shacab ah dilay

Maamulka gobolka Mudug ee Maamulka  Puntland ayaa ka ka war bixiyay 3 qof oo Rayid ah oo maanta lagu dilay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha gobolka Mudug  ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur Sanyare oo Shir Jaraa,id Warbaahinta u qabtay ayaa sheegay in Askari ka tirsan ciidamada daraawiishta Puntland saaka ku dilay nin ganacsade ahaa oo ku sugnaa xaruntiisa ganacsi.

Guddoomiye Sanyare wuxuu intaas ku diray in dilka ganacsadaha kadib ay ciidamada boolisku isku dayeen in ay qabtaan Askari dilka geystay, balse sida uu sheegay Rasaas uu furay ay ku geeriyoodeen labo qof oo shacab oo saarnaa gaari bus ah, sidoo kale hal qofuu soo  gaaray dhaawac culus.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland waxa uu tilmaamay inaan la qaban Askariga dilka geystay, balse lagu raad-joogo.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com