Puntland oo diiday Martigelinta shirka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo

Maamulka Puntland ayaa soo dhaweysay shirka wadatashiga doorashada ee ku baaqay madaxweyne Farmaajo,balse waxa  ay sheegtay in aan lagala tashan shirkaasi.

War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland lana soo dhigay barteeda Twitterka ayaa lagu sheegay in Puntland ku talinayso in shirka lagu qabto Muqdisho ayna ka soo qeybgalaan Saamileyda Siyasada iyo Beesha Caalamka.

“Pumtland waxay soo dhoweynaysaa Shirka lagu baaqay 15 Febraayo , inkasta oo aan lagala tashan in Garowe lagu qabto. Maadama uu dhamaaday muddo xileedkii Hay’adaha DFS waxay ku talinaysaa in Shirka lagu qabto Muqdisho ayna kasoo qeybgalaan Saamileyda Siyasada iyo Beesha Caalamka” ayaa lagu yiri qoraalka madaxtooyada Puntland.

Maamulka Puntland ayaa muuqda Mid aan ku qanacsaneyn marti gelinta shirka uu ku baaqay in 15 bishaan Febraayo lagu qabto Magaalada Garoowe

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com