Puntland oo digniin u dirtay Shaqaalaha Hay’adaha UN-ka

Xeer ilaalinta Dowlad Goboleedka Puntland iyo Guddiga dardar galinta canshuuraha shaqaalaha UN-ka ee ku sugan deegaanada Puntland oo digniin u diray ajaanib canshuurtii bixi diiday oo ku sugan Goballada Bari iyo Mudug.
Xeer ilaaliye kuxigeenka Puntland Maxamed Xareed Faarax ayaa sheegay inay jiraan Afar Ruux oo kamid ah Shaqaalaha UN-ka oo diiday biixnta Canshuurta, kuwaas oo kala ah, Cabdinuur Xasan Axmed , Xersi Xuseen Nuur, Maxamed Cabdullaahi Farax, Nuuradiin Saciid Maxamed, kuwaad oo dhamaantood u Shaqeeya Hay’adda WHO.

Waxaa uu ka dalbaday Xeer ilaaliye kuxigeenka Puntland in Afarta Xubnood ay Canshuurta ku waajibtay ku bixiyaan ugu dambeyn Canshuurta 4/3/2021 hadii ay bixin waayaana Maxkamad la horgeyn doono.
Ugu dambeyn Xeer ilaaliye kuxigeenka Puntland waxaa auu sheegay inay jiran 5 Ruux oo kale oo ka tirsan alaha UN-ka ee ka howlgalla Gobolka Karkaar, waxaana uu ka dalbaday inay si deg deg ah Canshuurta u bixiyaan.
Dhowr jeer ayaa Xeer ilaalinta Dowlad Goboleedka Puntland waxaa ay soo bandhigtay Magacyada Shaqaalo kamid ah kuwa Hay’adaha Un-ka, kuwaas oo laga dalbaday inay Canshuurta bixiyaan.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com