Puntland oo digniin ka soo saartay Roobab dabaylo wata

Maamulka Gobolka Bari ee Puntland, ayaa digniin culus ka soo saaray roobab dabaylo wata, oo  saacadaha soo socda ku wajahan xeebaha Gobolkaas.

Qoraal ka soo baxay maamulka Gobolka Bari, ayaa lagu sheegay in 48-saac ee soo socda roobab dabaylo wataa ku soo wajahan yihiin xeebaha Gobolka Bari, sida saadaashu sheegtay.

Maamulka gobolka Bari ee Puntland ayaa shacabka ugu baaqay, in ay isaga baxaan dhulka godan iyo togagga ku dhow xeebaha, si looga baaqsado dhibaato dadka iyo duunyada ka soo gaarta roobabkaas dabaylaha wata.

Sidoo kale, saraakiisha Booliiska iyo guddoomiyaaasha degmooyinka Gobolka Bari, ayaa amar lagu siiyay in aysan mudda 48-saac ah wax gaadiida u fasixi karin gudaha badda, si looga taxaddaro khatarta dabaylaha.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com