Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la sheegay in uu amray in ciidamadaas la geeyo Gaalkacyo, si ay u xaqiijiyaan Amniga magaalada oo maalmihii u dambeeyay laga soo sheegayay dhacdooyin amni-darro ah
Ciidamadaas ayaa loo qorsheeyay, in ay hawlgal xasilin ah ka bilaabaan xaafadaha Gaalkacyo, kaasi oo lagu beegsan doono kooxaha xasilooni-darrada ka wada Gaalkacyo, si loo soo celiyo Amniga magaalada.
Gaalkacyo, waxaa haatan ku sugan wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo halkaasi kulamo kula leh Maamulka Gobolka Mudug, Odayaasha Dhaqanka, Ganacsatada, Saraakiisha Ciidamada iyo ururada Bulshada, isagoo kala hadlaya Arrimaha Nabad-gelyada.
Sidoo kale, madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in uu dhawaan uu u socdaalo magaalada Gaalkacyo, socdaalkaas oo la xiriira hirgelinta Qorshaha Amniga iyo Hormarinta magaalada Gaalkacyo
Xafiiska Wararka,muqdisho.
Info@aragticusub.com