Puntland oo Baaq u dirtay Beesha Caalamka

Maamulka Puntland ayaa ku baaqday in Beesha Caalamku diyaariso shir ku saabsan Arrima doorashooyinka Soomaaliya, oo laysugu keenaayo dhinacyada siyaasadd dalka.

War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa loogu baaqay wakiilada Beesha Caalamka, in ay qaataan doorka diyaarinta shir lagu dhammaystirayo heshiiskii 17-kii September, si dalka looga qabto doorasho nabdoon oo wadar-ogol ah.

Dowladda Puntland waxay bogaadineysaa kaalinta Beesha Caalamka, waxayna ugu baaqeysaa wakiilada Beesha Caalamka in ay qaataan doorka diyaarinta shir lagu dhameystirayo heshiiskii 17 September, si dhaqso Dalka looga hirgaliyo doorasho nabad ah, wadar oggolna ah.”

Baaqaaan ayaa soo baxay, wax yar kadib markii Ra’iisul wasaare Rooble ka horyimid mudda kordhintii dowladda Federaalka, islamarkaana ku dhawaaqay in  xukuumaddiisu diyaar u tahay  hirgelinta doorasho ku salaysan heshiiskii 17-kii September.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com