Puntland oo Baaq ka soo saartay Colaad ka Taagan degaano ka Tirsan gobolka Sool

Maamulka Puntland ayaa xalay baaq nabadeed ka soo saartay, colaad beeleed ka taagan degaanka Dhabar-dalool oo ka tirsan Gobolka Sool.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka  Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash , ayaa qoraal uu soo saaray ku baaqay in shuruud la’aan lagu joojiyo colaadda ka aloosan Dhabar-dalool, islamarkaana labada dhinac ay nabadda ka shaqeeyaan.

Waxaan ugu baaqayaa beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay deegaanka Dhabar Dalool ee gobolka Sool inay si shuruud la’aan ah u joojiyaan gulufka colaadeed ee ka taagan halkaas, lagana wada shaqayeeyo sidii xal waara looga gaadhi lahaa dhibaatada soo noq-noqotay ee sababtay dhimashada iyo dhawaaca.” Ayaa qoraalka lagu yiri.

Sidoo kale ,Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in uu aad uga xunyahay, iyadoo lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan in la daadiyo dhiig qof Muslim ah oo sooman, taas oo uu ku tilmaamay mid ka baxsan diinta suubban.

Waa wax aad looga xumaado in iyadoo lagu jiro bishii barakaysnayd ee Ramadaan la daadiyo dhiig qof Muslim ah oo sooman, taas oo ka baxsan diinteena suuban.” Ayuu sidoo kale yiri Madaxweyne ku xigeenka  puntland.

Isimada iyo Culimada degaanka ayuu sidoo kale ku boorriyay, in loo istaago joojinta colaadda u dhexaysa labada beelood, oo marar kala duwan ka dhacday halkaas.

Waxaan ugu baaqayaa Isimmada, culimada, aqoonyahanka, dhallinyarada, haweenka iyo cid walba oo wax ka geysan karta sidii loo damin lahaa dhibkaas in ay kaalintooda nabadeed ka qaataan.”ayuu hadalkisa ku soo gaba gabeeyay Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo baaq nabadeed ka soo saaray colaada ka taagan degaanada hoos taga gobolka Sool.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com