Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-Guddoomiyey Shirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland, oo todfobaadkaan looga hadlay Amniga guud, Tallo-soo jeedinta iyo waxka bedelka maalmaha shaqada ee Puntland, Soo jeedinta iyo Ansixinta khidmada iyo ganaaxyada waddo marista.
Shirka Golaha Wasiirada, ayaa sidoo kale looga hadlay, soo bandhigista Sanduuqa Horumarinta degmooyinka iyo xoojinta xiriirka Isku xirka iyo Hay’adaha Dowladda Gobaleedka dhexe ee Puntland iyo warbixin ay Golaha la wadaageen xubnaha ka mid ah Golaha Wasiirada oo safar ku tegay Gobalka Mudug.
Wasaaradda Shaqada iyo Shaqalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, ayaa Golaha u soo gudbisay talo-soo jeedinta iyo waxka bedelka maalmaha Shaqada, waxaana Goluhu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey, in maalmaha shaqada ay noqdaan 5 cisho, iyadoo wakhtiga shaqada uu yahay 8-da subaxnimo illaa 4-ta galabnimo si waafaqsan Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah, maalmaha fasaxa ee Puntland waxay noqon doonaan Jimcaha iyo Sabtida.
Waxaa si gaar ah loo tixgelinayaa in Hay’adaha Puntland ee bixiyaa adeegyada lagama maarmaanka ah sida dekadaha, Garoomada, Caafimaadka, kastamyada inay u shaqeeyaan si joogto ah aan maalmahooda fasaxa wax iskabedeli doonin.
Waxka bedelka maalmaha shaqada wuxuu dhaqangelayaa marka Xeerka LR 12, ee Shaqaalaha Rayidka ah wax ka bedel lagu sameeyo ayna ansixiyaan Golaha Wakiillada Puntland.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com