Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Guddi u magacaabay diyaarinta Aaska qaran ee Marxuum Xasan abshir Faarax Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka.
Guddiga uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ka kooban 9 xubnood oo kala ah.
1- Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Guddoomiye)
2. Wasiirka Arrimaha Dibada Axmed Ciise Cawad (xubin)
3.Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye (xubin)
4. Wasiirla Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow (xubin)
5. Wasiirka Caddaaladda Xasan Xuseen Xaaji.
6. Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye (xubin)
7. Wasiirka Caafi.aadka Fowsiya Abiikar Nuur (xubin)
8. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar (xubin)
9. Wasiiru-dowlaha Maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim (xubin).
Dinaca kale Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Guddi u magacaabay Aas Qaran ee loo sameynayo Alle ha u naxariistee Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.
Guddiga uu Madaxweyne Deni magacaabay oo isna ka kooban 9 xubood ayaa kala ah.
- Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Cawil Shiikh Xaamud (Guddoomiye)
2. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde (Guddoomiye Ku-xigeen)
3. Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Ilyaas Osmaan Lugatoor (Xubin)
4. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Maxamed Xasan (xubin)
5. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jaamac Faarax Xasan (xubin)
6. Taliyaha Ciidamada Alsuubta Gen Cali Nuur (xubin)
7. Taliyaha Ciidamada Booliska Gen. Cabdiyare Xasan Xuseen (xubin)
8. Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cawil Axmed Maxamed (xubin)
9. Duqa Caasimadda Garoowe Axmed Barre (xubin).
Marxuum Xasan Abshir Faarax iyo Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi oo dalka dibadiisa ku geeriyooday ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda Aas qaran loogu sameeyo magaalada Garowe.