Prof Xasan Sheekh Cali oo ka hadlay khudbadii uu Madaxweyne Farmaajo shalay ka jeediyay Baarlamaanka

Prof Xasan Sheekh oo kamid ah Aqoon yahanada Soomaaliyeed   ee ku nool magaalada Muqdisho kana Tirsan Macalimiinta Jaamacadda Umadda  ayaa ka halay Khudbadii uu shalay Baarlamaalanka ka jeediyey Madaxwayne Farmaajo.

Sidoo  kale Prof Xasan shekh  Cali ayaa dhaliilay   warbixinta uu Madaxwayne ee la xiirtay  Heshiiskii Heshiiskii 17 Sebtembar  oo ah in Madaxwaynaha Puntland uu Qoray Heshiiskaasi.

“Haddii Madaxweyne Farmaajo uu ku shaqeynayey Barnaamij uu Siciid Deni soo qortay muu talada dalka ku wareejiyo Deni doorasho ha qabtee illeen isagu wax ma qabankaree” ayuu yri Por Xasan shekh

Sidoo kale Prof  Xasan sheikh Cali  Nuur ayaa ku eedeeyay Madaxwayne Farmaajo inuu ku Fashilmay Hoggaaminta dalka.

“Farmaajo 4-sano ayaa isaga oo Fashil ah loo samrayey waa inuu umadda Soomaaliyeed ka hor-wareego meeshuu rabo ha aadee” Ayuu yiri  Prof Xasan sheikh Cali .

Porf Xasan Sheekh Cali Nuur ayaa Ugu dambeyntii sheegay in Dalkaan uu u baahan yahay  badbado si aysan u dhicin  Firaaq dastuuri ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com