Prof-Samatar  oo weerar afka ah ku qaaday RW Rooble!

Prof Cabdi Ismaaciil Samater oo ka mid ah  Xildhibaanada Akhalka Sare ee ka soo jeedada Goballada Waqooyi Soomaaliland kuwaas oo aan weli la dhaarin oo ka hadlay shir ay isugu yimaadeyn qaar ka mid Siyaasiyiinta iyo Odyaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Goballada Waqooyi Soomaliland kaas oo ay uga hadlayeen Doorashada dalka ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu ku haayo boob doorashada.

Prof abdi Ismail samatar oo ah Senator aan weli u dhaaran xubinimada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa aflagaaddeeyey Ra’iisalwasaare Mohamed Hussein Roble isaga oo ku sheegay in uu boobayo islamarkaana kufsanayo doorashooyinka Baarlamaanka gobolada Waqooyi Somaliland.

Mar uu hadlayay ayuu yiri Prof Ismaa’iil Samatar “Ra’iisul Wasaarihii waxa uu noqday kud ka guurow qanjo u guur buu noqday, inuu asigu boobay oo cid gaar ah  uu wato uu u booobo”.

Sanetor Samatar waxa uu ka mid ahaa Siyaasiyiinta si adag uga soo horjeeda Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo asiga oo u olaleynayey in doorashada lagu wareejiyo Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com