Pakistan iyo Daalibaan oo Kulan ka yeeshay Xiriirka labada dal iyo Khilaafka Macbarka Torkham

Xafiiska Arrimaha Dibedda ee dalka Pakistan ayaa maanta sheegay in Wafdi uu horkacayo
Wasiirka Difaaca, Khawaja Asif ay socdaal hawleed maanta ku tageen Caasimadda dalka Afgaanistaan ee Kabul, iyagoo Maamulka KMG Daalibaan kala hadlay arrimo la xiriira Amaanka iyo La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixiso.
Ku-simaha Ra’isul- wasaaraha Afgaanistaan ee Arrimaha Dhaqaalaha, C/qani Baradar oo la hadlay Kulanka labo-geesoodka ayaa tilmaamay inay Afgaanistaan iyo Pakistan yihiin deris, loona baahan yahay inay yeeshaan Xiriir Wanaagsan, wuxuuna xusay in Imaarada Islaamka Afgaanistaan (IEA) doonayso in la ballaariyo Xiriirka dhinacyada Ganacsiga iyo Dhaqaalaha oo labada dhinac dan u ah.
Waxa uu intaasi ku daray inaysan Arrimaha Siyaasadda iyo Ammaanka waxyeeleyn Ganacsiga iyo Dhaqaalaha, loona baahan yahay in la kala saaro dhibaatooyinka Siyaasadeed iyo kuwa ammanka ( political and security problems).
Hadal-qoraal oo ka soo baxay Golaha Wasiirada ee Afgaanistaan ayaa lagu sheegay inuu K/S Ra’isul-Wasaaraha Ra’isul-wasaaraha codsaday Wafdiga Pakistan in la sii daayo Muwaadiniinta Reer Afgaanistaan ee ku xiran dhamaan Xabsiyada dalkaasi.
Waxa kale oo uu ku booriyey Pakistan inay fududeeyaan Tas-hiilaadka dadka Rakaabka Afgaanistaan Afgaanistaan ee ka gudba Macbarka Torkham iyo xuduudka Chaman-Spin Boldak iyo in si gaar ah loo siiyo Tixgelin khaas ah Bukaanada ka gudba Macbarka Torkham.
Qoraalka waxaa kaloo lagu xusay inay Wafdiga Pakistan dhinacooda la ballan qaadeen in la xalin doono dhibaatooyinka labada dal.
Kulankaasi waxa uu.ku soo beegmay, iyadoo uu maalintii Saddexaad xiran yahay Macbarka Torkham oo ah Barta xuduudka ee ay ka gudbaan Ganacsiga ugu weyn labada dal.
Bishan February 21-dii, Ilaalada Xuduudaha ee labada dal waxay Macbarka Torkham isku weydaarsadeen Tacshiirad, iyadoo la dhaawacay mid ka mid ah Ilaaladda Xuduudaha.
Mar sii horeysay oo bishan ah, Kaaliyaha Khaaska ee RW Pakistan, Faysal Kariim Kundi waxa uu sheegay inay Dowladda wafuud u kala diri doonto Caasimadaha Iran iyo Afgaanistaan, si looga codsado Damaanad-qaad inaysan Kooxaha Argagixisada u adeegsanin dhulkooda in Pakistan laga soo weeraro.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com