Oslo oo laga qaaday qeyb ka mid ah Xayiraada Coronovirus.

Oslo, Xukuumada Norwey ayaa maanta ku dhawaaqday in la fududeeyay qaar ka mid ah xayiraadihi saarnaa Magaalada Oslo.

Dowlada ayaa xustay in wixi ka dambeeya maanta(Khamiis)la qaaday xayiraadaha saarnaa dukaamada ganacsiga iyo goobaha Santarada ah.

Sidoo kale dowlada ayaa xustay in magaalada Oslo hada la galiyay darajada jaalaha ah halka marki hore ka aheyd Gaduudka.

Bisha soo socota ayay dowlada xustay in sidoo kale la qaadi doono cayiraado dhowr ah.

Muda ka badan laba bilood ayay dowlada cayiraad saartay Oslo kadib markii uu sare u kac xoogan sameeyay dadka uu soo ridanayo xanuunka Coronovirus.

Arintaan ayaa ah mid bulshada ku dhaqan Oslo si taxadar leh u soo dhaweeyeen.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com