Ololaha doorashada baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka oo ka bilowday Somaliland

Ololaha doorashada baarlamanka iyo goleyaasha deegaanka oo isku sidkan ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabmay guud ahaan Somaliland.
Ololahan oo safmarka Korona awgii loo xaddiday muddada uu socon doono oo xisbi waliba labo maalmood oo keliya uu leeyahay maaddaama oo aan waqti badani ka hadhin doorashadii ayaa jawiga uu ku bilaabmay ololaha xisbiga UCID wuxuu ahaa mid sidii loogu tala galay ah.
Doorashada oo lagu wado inay qabsoonto 31-ka bishan aynu ku jirno ee May, ayaa ah markii ugu horreysay ee si isku sidkan loo qabto doorashada baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka.
Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com