Odayaasha Dhaqanka ee ka Tagay Muqdisho oo kormeeray Farumaha dagaalka ee Laascaanood

Odayaasha koofurta Soomaliya ka soo jeedaiyo  isimada dhaqanka SSC-khaatumo ayaa kormeer ku tagay furimaha dagaalka Laascaanood ee ay isku hor-fadhiyaan Ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka.

Ujeedka Socdaalka  ayaa sida la sheegayo la xiriiray in ay arkaan goobaha dagaalka iyo masaafada ay isu jiraan labada ciidan ee dagaallamaya.

Odayaasha ayaa kormeerkooda kadib u sii gudbay gudaha magaalada Laascaanood si ay soo arkaan khasaaraha ka dhashay duqaymihii Ciidanka Somaliland ay u geysteen    magaalada Laascaanod

Hase ‘ahaatee warar ayaa sheegaya in Odayaasha dhaqanka  ee ka tagay Muqdisho kuna sugan Magaalada Laascaanood ay diidmo kala kulmeen Somaliland

Odayaashaan oo uu Hogaaminayo Maxamuud Cali Ugaas ayaa doonaya in nabad lagu dhameeyo colaadda Laascaanood .

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com