Waxaa magaalada Muqdisho kulan Warbaahineed ku qabtay Qaar kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka Beelaha Hawiye, oo sheegay in loo diiday inay safar ku tagi lahaayeen magaalada Hargeisa ee Xarunta u ah Somaliland.
Waxay sheegeen Odayaasha dhaqanku in lagu soo wargeliyey diyaaraddii ay ka raaci lahaayeen Garoonka Muqdisho inaysan imaan karin Hargeisa, islamarkaana aysan soo qaadi karin Odayaasha dhaqanka ee ku socday Hargeisa.
Muxudiin Xasan Afrax oo ka mid ah wax garad Beelaha Hawiye ayaa ka hadlay ayaa xusay inay Arintaasi la yaab ku noqotay, oo aysan ka filayn Somaliland inay Hargeisa loo diido.
Wuxuu sheegay sidoo kale inay u socdoon Arimo dhaqan, oo ay kamid yihiin Dad Muddo Tiro badan ku xidhan Halkaasi oo Horay ay ugala hadleen Xukuumadihii hore, Sidoo kalana ay wadeen Magta nin Qof ku diley Hargeisa oo Qoyskiisu ay Aqbaleen inay magta qaataan.
sidoo kale xubnihii halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ah Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo Cambaareeyay sababta loogu diiday Safarkii ay ku tagi lahaayeen Magaalada Hargeysa
Qaar ka Tirsan Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye ayaa doonayay in shalay u dhoofaan magaalada Hargeysa si Maamulka Soomaaliland ay ugala soo xaajoodaan Dad ku xiran Xabsiyda Soomaaliland kana Tirsan Beelaha Hawiye
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com