Nuur Maxamuud Shiikh oo loo magacaabayAfhayenka Urur Goboleedka IGAD

Nin  Soomaaliy ah ayaa loo magacaabay Af-hayeenka Urur Goboleedka IGAD, sida laga soo xigtay warqad ka soo baxday Xoghayaha Guud ee IGAD Workneh Gebeyehu.

Qoraal lagu daabacay Wargeyska The Daily Nation, oo ka soo baxa Dalka Kenya, ayaa sheegay in Nuur Maxamuud Shiikh, oo u dhashay Soomaaliya loo magacaabay Af-hayeenka  Urur Goboleedka IGAD.

The Daily Nation, ayaa Xoghayaha Guud ee IGAD ka soo xigtay  in Af-hayeenka cusub uu karti u leeyahay dhisidda xiriirka IGAD iyo Ururada kale, islamarkaana uu xoojin doono Iskaashiga dalalka ku midaysan Urur Goboleedka IGAD.

Diblumaasi  Nuur Maxamuud Shiikh, ku dhawad muddo 30-sano ah ka soo shaqeeyay Arrimaha Diblomaasiyadda  Geeska Afrika , isagoo La-taliye sare u soo noqday xafiiska IGAD u qaabilsan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com