Norwey:Carruurta ka weyn 12-sano oo qaadanaya Talaalka COVID-19.

Oslo:-Ra,isul wasaaraha dalkani Norwey Erna Solberg ayaa shaacisay in carruurta da,dooda u dhaxeysa 12-ilaa 15-qaadan doonaan talaalka Covid19.

Ra,isul wasaaraha oo shir jaraa,id qabatay ayaa aad uga hadashay faafitaanka  uu sameynayo xanuunka safmarka ah iyo dadaalada dowlada ku bixinaysa sidii loo xakameyn lahaa.

Waxaa ay xustay in talaalka bilaaban doono marka degmooyinka arintaasi u diyaargaroobaan.

Ra,isul wasaaraha oo hadalkeeda sii wadata  ayaa ku nuux nuuxsatay in waalidiinta yihiin kuwa leh go,aanka in caruurtooda qaadan doonaan talaalka iyo in kale balse waxaa ay intaa  raacisay in sidoo kale dhageysan doonaan fikradaha caruurta.

Dhanka kale dowlada ayaa shaacisay in dhawaan la bilaabi doono qeybtii sedexaad ee qaadashada irbada balse mudnaanta koowaad la siin doono dadka baahiyaha gaarka ah qaba gaar ahaan waayeelada iyo waliba dadka la nool xanuunada ee keeni karta in dhibaato nololeed soo gaarto haduu cudurku ku dhaco.

Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa si Aad ah u kordhayay dadka qaadaya xanuunka safmarka ah ee coviid19 gudaha Norwey tasi oo dad badan wal wal ku abuurtay waxaana dadka xanuunka qaadaya ka mid ah sida la shaaciyay dad hore u qaatay labada cirbad ee ka hor taga xanuunka covid19.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com