Norwey qofki 3-xaad oo ugu geeriyoday cudurka Caronavirus .

Waxaa isi sootarayo dadka u geeriyoonayo cudurka caronavirus oo intabadan dunidda qaatu ka taagantahay latacaalidiisa.

Magaalada Oslo ee caasimada dadka Norwey waxaa maanta ku geeriyooday qofkii 3-xaad ee Soomaali ah.

Shabakada Aragticusub xafiiskeda Norwey dad lasoo xariiray ayaa u xaqiijiyay in alla ha’unaxariistee  Ader “Mohamud Ali Shire ” oo siweyn looga yaqaano Norwey ku geeriyooday isbitaal ku yaalo Magaalada Oslo.

Shalay ayaa sidookale magaalada Oslo ugu geeriyooday marxuun “Xassan Jaamac Guuled” oo ka mid ahaa Jaliyada Soomaaliyeed ee Norwey cudurka loo caalayshay we caronavirus.

Xaalada ayaa ah mid cakiran iminka waxaana jiro dad badan oo uu xiranyahay masinka oksigenka oo xaaladooda caafimaad dhaqaatirtu xiligaan latacaalayaan.

Marxuum Axmed Faarax Cali ayaa noqday Soomaaligii ugu horeeyay ee dalka Norwey ugu geeriyooda xanuunka Covid 19, waxaana lagu aasay 31 .3.2020 qubuuraha musliminta ee Alfaset.

Soomaali fara badan ayaa qaarada Yurub ugu geeriyootay xanuunka Covid 19, waxaana meelaha Soomaalida badan uu cudurkan ku dilay ka mid ah Sweden, UK ,Holand  Danmark,  Norwey , iyo meelo kale.

Xafiiska Wararka,Oslo-Norwey.

Info@aragticusub.com

 

 

.