Norwegian-ka oo inta badan codsanaya in xiligaan la furin Xuduuda ay wadaagaan Swedan.

Oslo,codbixin la sameeyay ayaa lagu ogaaday in shacabka Norwey jecleen in xiligaan la furo xuduuda ay wadaagaan Norwey iyo Swedan.

Qaar ka mid warbaahinta gudaha oo codbixintaan qaaday ayaa lagu xaqiijiyay in 73% bulshada ku qanacsaneen in xiligaan la furo xuduudaha labada dal.

Arintaan ayay sabab uga dhigayaan in Swedan si xoog leh u saameeyay Cudurka coronovirus isla markaana aysan wali muuqan soo kabasho.

Qaar ka mid ah ayaa qaba in aan la furin xuduudaha ilaa inta Swedan ka xakameynayso Faafitaanka cudurkaan.

Dhawaan ayay Xukuumada Norwey ku dhawaaqday in wixi ka dambeeya 15-ka bishaan loo safri karo wadamada Denmark,Filand,island iyo gobol ka tirsan swedan oo lagu magacaabo Gotland.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com