Norway oo sare u kacay dhalinyarada isticmaasha daawooyinka hurdada.

Oslo:Dhalinyaro farabadan oo ku nool wadanka Norway ayaa la sheegay in ay la dhibtoonayaan hurda la,aan taasina kentay in ay isticmaalaan daawooyinka hurdada.

Warbixin ay soo saartay Hay,adda sahanka caafimaadka iyo fayoqabka ardayda ayaa lagu sheegay in arday badan dhibaato dhanka hurdada ay ay la dhibtoonayaan.

Hay,adda waxaa ay tilmaamtay in sedexdii dhalinyaro mid ka mid ah la dhibtoonayo dhibaato dhanka hurdada ah.

Dhalinyarada ayaa da,ahaan u dhaxeysa 15-24 sano kuwaas oo isticmaala daawooyinka hurdada si hurda wanaagsan u helaan.

Børge Sivertsen oo ka tirsan machadka caafimaadka dadweynaha ayaa sheegay in sanadkan 2021 sare u kacay dhalinyarada la dhibtooneysa hurdo la,aanta taasina wal wal xoogan ku hayso hay,aad ahan.

Kororka ardayda dhalinyarada ah ayaa ahaa mid joota ah tan iyo sanadii 2010-kii sida uu ku waramayo Børge Sivertsen.

Sidoo kale tira koobka diiwaanka daawadu waxaa ay ku waramayaan in uu labanlaabmay isticmaalka daawooyinka hurdada dadka da,doodu u dhaxeyso 20-24-jirada.

Xafiiska Wararka,Oslo-Norway.

Info@aragticusub.com