Oslo:-In ka badan kun ruux ayaa loo diiwaan galiyay in ay u geeriyoodeen xanuunka CIVID19 tan iyo markii uu ka dilaacay gudaha wadanka Norway.
Wasaarada Caafimadka Norway ayaa diiwaangalisay dad gaaraya kun iyo laba ruux in xanuunka u geeriyoodeen.
Dhimashadii ugu horeysay ee xanuunkaan ayaa dhacday 12.Maarso sanadii hore tan iyo xiligaan waxa la xaqiijiyay in xanuunka in ka badan kun rux u dhinteen.
Wasiirada Caafimaadka dalka waxaa ay xustay in aad uga xun tahay dadkii eheladooda ku waayay xanuunkaan-
¨aad ayaa ugu damqaneynaa kuwii eheladooda ku waayay xanuunkaan safmarka ah,, ayay tiri wasiirad Ingvild Kjerkol oo la hadashay wakaalada wararka NTB.
Dadka qaadaya xanunka ayaa isbuucyadii ugu dambeeyay sare u kacayay gobolada kala duwan ee wadanka Norway taasi oo wal wal hor leh abuurtay.
Xafiiska Wararka,Oslo.
Info@aragticusub.com