Oslo:-Dowlada Norway ayaa caawa soo saartay xeerar cusub ee ku aadan xakameyn xanuunka Omicron ee COVID-19.
Go,aanada ayaa ah mid dowlada ugu tala gashay in lagu xakameeyo xanuunka.
Halkaan ka aqriso xeerarka cusub:-
- In mudo 10-maalmood ah la karantiili doono qofkii looga shakiyo xanuunka amicron.
- Sidoo kale xeerkaan waxaa uu qabanayaa dadka ka agdhaw qofka xanuunka laga helay isla markaana la karantiil gali doona muda 7-cisho ah iyaga oo kadib iska qaadi doona baaris kale.
- In la soo celiyay kala fogaanshaha halka mitir.
- Dowlada ayaa ku talisay in in dadka guryaha ku casuumaan 10-ruux lana ilaaliyo xeerka kala fogaanshaha.
- Iskuulada carruuurta ayay Dowlada ku boorisay in la sameeyo baaritaana dheeri ah ee la xiriirta xanuunka.
- Goobaha qamriga iyo meelaha kale ee lagu caweeyo ayay dowlada go,aamisay in la xiro 24:00 saqdhexe.
- Maqaaayadaha ayaa lagu amray in ay diiwaangaliyaan dadka yimaad.
- Jaamacaha oo lagu booriyay in ay u diyaar garoobaan waxbarashada digital-ka.
- Goobaha jimicsiga ayay dowlada xustay in ugu badnaan isugu imaan karaan 20-ruux.
Xafiiska Wararka,Oslo.
Info@aragticusub.com