NISA oo sheegtay in howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab ah

Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegtay in 22 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Hiiraan.

NISA ayaa sheegtay in howlgalkan, oo ka dhacay deegaanka Shaw, ay sidoo kale qeyb ka ahaayeen saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ka taageera dagaalka ka dhanka ah  Al-Shabaab.

Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarka lala beegsaday gaari nooca Homey ah oo ay saarnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Waxay intaas ku dartay in xubnahaas shababka ah  ay ku jireen xubno ka soo firxaday howlgal shalay ka dhacay Tuulada Cadalay oo hoos tagta degmada Mahadaay ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Mas’uuliyiinta degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa shalay sheegay in duqayn cusub lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen  Al-Shabaab oo u dhow magaalada Jalalaqsi. Ma cadda haddii labada weerar ay xiriiraan ama isku mid yihiin.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com