NISA oo sheegtay in Amiirka Shabaab uu xilalka ka qaaday Mahad Karataay & Bashiir Qoorgaab.

Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa waxay markii ugu horeysay ka hadashay khilaafka muddooyinkii ugu dambeysay ka dhex taagnaa Madaxda Ururka Al Shabaab.

Hay’adda Nabad Suggida ayaa waxay caawa qoraal kooban oo lagu faafiyay boggeeda Twitter-ka waxay ku sheegtay in Amiirka Al Shabaab, Axmed Diiriye Abuu Cubeyda uu xilalka ka xayuubay Mahad Warsame Qaley (Mahad Karataay) iyo Bashiir Maxamed Maxamuud (Bashiir Qoorgaab), sidoo kalena uu ka saaray Golaha Fulinta ee Ururkaasi.

Qoraalka NISA ayaa lagu sheegay inay tani timid, markii ay labadaasi xubnood Amiirka Al Shabaab ka dalbadeen in uu joojiyo qaraxyada ka dhanka ah shacabka ku nool Magaalada Muqdisho.

“Axmed Diiriye, Horjoogaha argagixisada Al -shabaab ayaa ka saaray Mahad Karataay & Bashir Qoorgaab Golaha Fulinta Xarakada, kana xayuubiyay dhammaan xilalkii ay ka hayeen Xarakada, ka dib markii ay ka dalbadeen Horjoogaha  joojinta qaraxyada joogtada ah ee lagu beegsado shacabka Muqdisho.” Ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

 

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com